Skip to product information
DHALLINYARADA MAANTA IYO WAAYAHOODA

DHALLINYARADA MAANTA IYO WAAYAHOODA

200 kr

Buug ku saabsan dhaallinyarada sabab! Sababtu waa, in kasta oo aysan marwalba ku baraarugsanayn, haddana dhallinyarada waxaa wareeriyey dareen miskaxdooda dhexmuquurta. Waa uu dhex meeraystaa, wuxuu dhex muquurtaa dareenkooda, wuxuu wareeriyaa fekerkooda wuxuu ka lumiyaa hiigsiga nololeed, wuxuu nuxuusiyaa naftooda wuxuuna la falgalaa dareenkooda asaga oo aad u wiiqa. Waaliddiintu waa welwelsan yihiin, iskoolkuna talo uma hayo. Suuqa ka ganacsiga tumashada iyo belwadaha ayaa si aad ah u daneeya, ayda oo waxa dhammaanaya oo baaba’ya uu yahay dhallinyarada naftooda, taas oo aysan u muuqan timaaddo yididdiilo leh, Asal ahaan haddii dhibaatadu aysan ku koobnayn qof qof ee ay baahsan tahay, asalkeedu ma ahan dhibaato dhinacaa miskaxda ah ee waa dhaqan bulsho. Ma jirtaa waddo looga baxo? Haa haddii aan ku guuleysanno in aan ilmaha la baro waxa ay u nool yihiin, sida uu Alle (swt) yiri “jinni iyo insiba wax aan cibaadadeyda ahayn uma abuurin”

 

Qoraaga buugga

Cabdalla Jaamac Aaden; Laurea Somali National University geology, Ph.D Padova University, Department of Mineralogy and petrology.

Macallin kulliyadda cilmiga ee joologiyada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed – 1984-1990. Sannadkii 1985-1993 ayuu cilmibaaris Ph.D ku qaatay kulliyadda Mineralogika iyo petrologiga ee Jaamacadda Padua University, Italy.

1993-2001 wuxuu cilmibaaris macdanta iyo geochemistry-ga “Platinum group elements” ku sameeyey isla jaamcadda Padua. Cilmibaaristaa waxa lagu sameeyey buuraha u dhexeeya Sheekh-Dacarburuq-Mandheera. Waxaa qoraallidii cilmiga ahaa ee ka soo baxay ay ku soo bexeen buugga Ph.D ee qoraaga iyo qoraal-cilmiyeedyo “publications” ku soo baxay European Journal of Minerologist iyo Journal of African Earth Science.

Labaatankii sano oo ugu dambeesey waxa uu macallin ka ahaa qaar ka mid ah iskuulada Isweden.

You may also like